SOMALIA Flag
Navigation
Home
Articles
Downloads
FAQ
Discussion Forum
Web Links
News Categories
Contact Me
Photo Gallery
SearchSweden Basketball Tournment 2010
Somaliweek Toronto Basketball 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Leicester Super Cup Draw
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Minnesota Champions-London 2008
Somali Week 2007
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Shiikha
Coach Maxamuud
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Abdihakim Yare
Adnan Guuleed
Liban Yare
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
USA Flag
Login
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Fartuun Cali Dheere
Abdihakim
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Sharmaarke
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Mohamed Ali
Salmaan
Abdalla
Adnan Farah
Welcome
Ictikaafka
Ictikaafka: (Ka Faaiidayso)
Nabiga (NNKH) waxa hadyigiisa ka mid ahaa inuu ictikaafi jiray 10 maalmood oo ka mid ah Ramadaan, sida uu warinayo Muslim, Saxabiga la yiraahdo Abii saciid Al-khudari waxaa uu yiri : Nabigu wuxuu ictikaafay 10ka ugu horeeya e Ramadaanka, haddana wuxuu ictikaafay 10ka dhexe markaa dabadeed ayuu Nabigu (NNKH) yiri : "Waxaan ictikaafay 10ka hore anoo raadinaya habeenkaas qadriga, markaasaan haddana ictikaafay 10ka dhex,markaasaa la ii yimid oo waxaala igu yiri : Waxaa uu habeenkaasi ku jiraa 10 ka danbe, ee qofkii doonaya inuu ictikaafo ha ictikaafo 10kaas danbe".
FIBA World Championships 2010 in Turky
FIBA World Championships 2010 in Turky.
Xoghayaha guud ee XSKK Eng Baana Cali, ahna Gudoomiyaha suuqgeynta (Head of Marketing for Fiba) ee wadamada geeska Afrika ayaa lagu casumey in uu ka qeyb galo tartanka kubada koleyga ee aduunka (FIBA World Championship) oo ka dhacaya wadanka Turkiga. Casumaadan oo ay u fidiyeen FIBA World ayaa xoghayaha sheegey in uu aad ugu faraxsan yahey casumadan uuna rajeynayo in uu la kulmi doono madaxda wadamada kale ee halka lagu soo casumey.
Xiddigtii LLPP/JEENYO Xaawo Taako oo lagu soo dhaweeyay Masar
Xiddigtii LLPP/JEENYO Xaawo Taako oo lagu soo dhaweeyay Masar

CAIRO: Dalka Masar magaaladiisa Qaahira waxaa ka dhacay kulan Ciyaareed aad u xiiso badan oo dhinaca Kubada Koleyga laguna soo dhaweynayay Ciyaarhanadii hore ee xulka Qaranka gabdhaha Kubada koleyga Soomaaliyeed kana mid aheyd Naadiga LLPP Jeenyo Marwo Xaawo Sheekh Axmed (Xaawo Taako).
WIDH:"Dhallaankeena aanu Isboortiga ku abaabino"..
Wasiirka Dhallinyarada & Isboortiga:"Dhallaankeena aanu Isboortiga ku abaabino"..

Shir aad u ballaran ayaa lagu qabtay magaaladda Tennesse ee Cariga Mareykanka, taa oo ay ka soo qeyb galeen guddiyadda Isboortiga ee ka kala socday Magaaladda Atlanta oo ay ka socdeen Dr. Cali Cusmaan Cali, Aweys Muuse Arbow (Aweys Fundi), Cabdulqaadir Xasan Cadde (Caydiid Jeenyo) iyo Yusuf Marshaale, Guddiga Isboortiga ee Tennessee oo ay ka socdeen Cabdicasiis Axmed Mahdi iyo Cabdi Cali, Guddiga Isboortiga ee Ohio oo uu ka socday Bashiir Geele oo khadka Teleefoonka uga qeyb galay, Guddiga Isboortiga ee Mineapolis oo ay ka socdeen Mudane Cabdi Cali (Gudoomiyaha Gudigaasi), Cabdulqaadir Xaaji Daahir (Tababaraha Xulka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed) oo iyagana kaga qeyb galay khadka Teleefoonka, waxaa kaloo ka soo qeyb galay shirkaas taarikhi ah Guddoomiyaha Guddiga Ciyaaraha Fudud Mudane Cabdi Warsame Isaaq iyo Agaasimaha Gudigaasi Mudane Cali Baay.
Tacsi hooyo Saaqo Shire Dhoore ilaahay janadii haka waraabiyee
Tacsi hooyo Saaqo Shire Dhoore ilaahay janadii haka waraabiyee.

Dhamaan xubnaha iyo maamulka ururwaynaha cayaartoydii hore ee dalkeena SSAUK ayagoo ka tiiraanyeysan geeridan naxdinta leh ee ku timid hooyo Saaqo Shire Dhoore oo ahayd hooyadii dhashay xaaska macalinkii xulka kubadda kolayga dalkeena C/Raxmaan Maxamuud Guhaad (Shiino) waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan dhamaan qoyskii, eheladii iyo qaraabadii gaar ahaan Macalin shiino iyo xaaskiisa Farxiyo waxayna ilaahay uga baryayaan in uu janadii fardawsa ahayd ka waraabiyo ayagana samir iyo iimaan ka siiyo.
WAXYAABAHA SOONKA BURIYA (JEBIYA) INTA SUGAN OO LAYSKU RAACSANYAHAY
WAXYAABAHA SOONKA BURIYA (JEBIYA) INTA SUGAN OO LAYSKU RAACSANYAHAY
Qof kasta oo muslim ah waxaa waajib ku ah in uu ogaado WAXYAABAHA SOONKA BURIYA si uu isaga ilaaliyo. Waxyaabaha Soonka buriya waa kuwan:
(1) IN LALA YIMAADO QOWL AMA FAL GAALNIMO AH ~ (murtadnimo) Alle (S.W.) baynu ka magan galnaye. Qofkii Islaamka ka baxa waxaa buraya oo baaba’aya dhammaan camalladiisii uu horay u sameeyay iyo camalka uu markaas ku dhex jiro, waxaana u daliil ah Qowlkii Ilaahay (S.W.) “Oo dhabtii waxaa laguu waxyooday adiga (Muxammadow S.C.W.) Sidii loogu waxyooday kuwii (Rusushii Alle) ee kaa horreeyayba; haddii aad u shariig yeesho (yacni la wadaajiso) cid kale cibaadada Alle (S.W.) (markaa) hubaashii (dhammaan) camalladaadu waxay ahaan doonaan wax aan waxba ku ool, oo waxaad kamid ahaan doontaa khasaarayaasha” Az-Zumar, aayadda 65.
Bahda isboortiga Soomaaliyeed ee Southall oo shahaado sharaf gudoonsiiyay ciyaaryahan Aamaan.
Bahda isboortiga Soomaaliyeed ee Southall oo shahaado sharaf gudoonsiiyay ciyaaryahan Aamaan.

Waxaa magaalada London lagu qabtey galabta xaflad lagu soo dhaweynayay ciyaaryahankii hore ee kooxda Betroolka iyo xulka Qaranka dalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Guuleed oo ku magac dheer ‘’Amaan’’ oo soo gaarey magaalada London todobaadkii hore, waxaana uu ku nool yahay dalka Mareykanka gaar ahaan magaalada Minneapolis.
Fadliga Soonka
بسم الله الرحمن الرحيم
Fadliga Soonka
Qaybtaan waxaan jecelahay in aan ku soo qaato maqaamka Islaamku ku tilmaamay soonka iyo ajarka & fadliga uu helayo qofka Ilaahey (S.W.) dartiis u sooma, taasoo laga yaabo dadka qaar in ay ku kala duwanyihiin oo ajarka ay helayaan uu kala badan yahay sababtuna ay tahay u dhawaanshaha ama ka fogaanshaha Sunnada.
Ducooyinka bisha Barakaysan ee Ramadaan la akhristo
Ducooyinka bisha Barakaysan ee Ramadaan la akhristo
By:Axmed salah(Axmed Diinaassh)
Walaalaha muslimiinta ah meel kastoo oo aad joogtaan hambalyo hambalyo maalmahii aan soo dhaweyntii bisha barakeysan ee Ramadan aan ku gudajirne illaahay kuwii ka faa iideystaahi hanagudaro aamiin.. walaalayaal maanta waxaan idiin soo diyaariye ducooyin qofka mulimka ah ee sooman uu ku duceysanaayo oo ku saabsan Ramadanka maalinta koowad illaa maalinka ugu danbeyso ee ramadaan ee 30 ka ah.
BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN
BISHA BARAKAYSAN EE RAMADAAN
HORDHAC:
Walaalayaal, waa lagama maarmaan inaynu oggaano inay tahay sideedaba gallad iyo nimco qofkii uu Allaah (sw) waafajiyo inuu gaaro bisha ramadaan. Sidaa darteed, waxaa habboon inaan Ilaahay uga mahad celinno nimcadaan uu nasiiyay inaan haleelno bisha fadliga badan ee Ramadaan. Imisa dadka ka mid ah ayaa jira oo aan la waafajinin inay gaaraan bisha ramadaan, oo iyadoo wax yar ay ka hartay geeriyooday, amaba haleelay bisha ramadaanka, hase ahaatee aan la waafajinin inay ka faa'iideystaan!! Allaahow khayrkaaga hanaga xarimin…aamiin aamin aamin.
Wasiirka Dh. Isboortiga:"Hooyadu waa Asaaska Isboortiga
Wasiirka Dh. Isboortiga:"Hooyadu waa Asaaska Isboortiga

ATLANTA: Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka,taa oo ay soo abaabuleen Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka oo uu hogaaminaayey Gudoomiyaha Guddigaasi horeyna u soo ahaa Xoghayaha Guddiga Olambikada Soomaaliyeed Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali, waxayna ujeedada xafladaasi aheyd sidii loo unki lahaa wada shaqeyn dhex marta Ururka Hooyooyinka Qaranka Soomaaliyeed oo ay hogaamiso Mudane Drs. Caasha Cumar Geesdiir iyo Ururka Hooyooyinka ee magaaladda Atlanta oo ay Hogaamiso Marwo Nafiiso Abdiqafaar Cali iyo Guddiga Isboortiga Dhaqanka ee magaaladda Atlanta.
Kooxaha Ilamos FC iyo Leicester United oo isugu soo haray cayaarata kama dambaysta ah ee SFF 2010.
Kooxaha Ilamos FC iyo Leicester United oo isugu soo haray cayaarata kama dambaysta ah ee SFF 2010.

Waxaa cayaarta kama dambaysta ah ee tartanka kubadda cagta ee Somali Football Festival, London 2010 isugu soo haray labada kooxood ee caanka ah Ilamos FC iyo Leicester United oo ka kala dhisan magaalooyinka London iyo Leicester ka dib markii ay galabta cayaaro xiisa badan uga kala adkaadeen kooxaha Bristol iyo Banadir.
Kooxda Kanava-Finland oo ku guuleysatay Tartanka EUROSOM ee sanadkan 2010
Kooxda Kanava-Finland oo ku guuleysatay Tartanka EUROSOM ee sanadkan 2010 (DAAWO SAWIRRO)
Isniin, August 02, 2010(HOL): Ciyaartii Fiinaalka ee kubadda Cagta Eurosom ee sannad waliba lagu qabto qaarada Yurub ayaa waxaa ugu danbayntii ku guuleystay kooxda martida loo yahay ee Kanava Finland ka dib markii 4 – 0 ay ku garaacday kooxda Gothenburg ee dalka Sweden.
CiyaarihiiXagaaga Kubadda Cagta Sweden oo la soo gebagebeeyay
CiyaarihiiXagaaga Kubadda Cagta Sweden oo la soo gebagebeeyay (DAAWO SAWIRRO)

Isniin, July 26, 2010(HOL): Waxaa maanta si rasmi ah ugu soo dhamaaday garoonka Spanga ee Magaalada Stockholm ciyaarihii Kubadda Cagta Xagaaga ee dalka Sweden, kaasi oo soo socday tan iyo 12-kii bishii April 2010.
Ciyaarihii k/cagta EUROSOM oo si habsami leh u socda
Ciyaarihii k/cagta EUROSOM oo si habsami leh u socda
Waxaa maanta la ciyaaray kulamadii labaad ee Guruub A – da, ciyaaraha ka soconaya magaalada caasimada ah ee Helsinki taasoo ay soo qaban qaabisay Ururka EuroSom isla markaana ay gogoshana fidisay Ururka Dhalinyarada Kanava ee Finland.
Ciyaarihii Xagaaga oo London ka furmay
Ciyaarihii Xagaaga oo London ka furmay (DAAWO SAWIRRO)

Isniin, July 26, 2010(HOL): Ciyaarihii xagaaga oo si rasmi ah uga furmay cariga Ingiriiska gaar ahaan waqooyiga magaalada London,ciyaarahaas oo socon doona mudo 17 cisho ah. ciyarahaas oo sanadwalba ka dhaca dalkan Ingiriiska loona yaqaano Somali Week UK.
Cayaarhii Sweden ee k-koleyga oo la soo gabagabeeyay
Cayaarihii Sweden ee k-koleyga oo la soo gabagabeeyay.

Tartamadii xagaaga ciyaaraha K-koleyga Sweden ayaa si aad u qurux badan habeenimadii xalayto o taariikhdu ay ku begnayd 20 JULY 2010 loogu soo gabagabeeyay garoonka K-koleyga ee UNGDOMSHUS I ee ku yalla xafadda Rinkeby.
Eng. Bana iyo Farah Oday oo ka qaybgalay shirar caalami ah
Eng. Bana iyo Farah Oday oo ka qaybgalay shirar caalami ah

Waxaa bishan July 13keedii ka bilaawdey tartankii koowaad ee African Youth Games 2010 kana dhacey wadanka Marocco caasimadiisa Rabat:
tartankaasoo ay ka soo qeyb galeen dhamaan wadamada africa looguna tartamaayo cayaaraha kala duwan si loogu diyaar garowa tartanka mini Omympic games oo ka dhici doono bisha danbe wadanka Singapore cayartoyda da'doodu u dhaxwyso 13 ilaa 17 jir. waa tartankii ugu horeeyey oo ay Olympiga soo qabanqaabiso si loogu dhiirigeliya caruurta xifrada u leh.
Hambalyo
Hambalyo
Anigoo ah Maxamed Muuse Cabdi "Jabroos" oo ku hadlaya magaca Zone 4 ee ka kooban J/Hoose, J/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaan u hambalyaynayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo qaaday tallaabo taariikhi ah, kadib markii uu Xiriirka Kubadda Cagta ku baahiyay gobollada dalka, si uu ulajaan qaado Guddiga Olombikada Qaranka Soomaaliyeed oo hore ugu baahiyay gobollada 4ta Zone.
Mugaanbe oo dib loo doortay
Mugaanbe oo dib loo doortay
Shirweynihii 8aad (Ordinary Congress) ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Hotel Saxafi International ee magaalada Muqdisho , shirweynahan ayaa waxaa lagu doortay xubnaha guddiga fulinta ee maamulaya afarta sano ee soo socota waxaana guddoonka sare ee XSKC cod gacan taag ah (Anonymous Vote) loogu doortay Saciid Maxamuud Nuur [Mugaanbe].
Xiddigga Kubadda Koleyga qaranka Qatar iyo naadiga Alrayyan oo lagu soo dhaweeyay Minnesota.
Xiddigga Kubadda Koleyga qaranka Qatar iyo naadiga Alrayyan oo lagu soo dhaweeyay Minnesota.
Diyaariye:Shiikha
Casho sharaf lagu soo dhaweynayay xiddigga kubadda koleyga xulka qaranka dalka Qatar iyo naadiga Alrayyaan Yasiin Muuse Ismaaciil ayaa habeenimadii xalayto oo ay ku beegnayd taariikhda 07/15/2010 lagu qabtay makhaayadda Marina Grill oo ku taallaa North East Minnesota.
Yaasiin Abuukar Cariif: Halyeey Isboorti
Yaasiin Abuukar Cariif: Halyeey Isboorti
Waxaan maanta rog-rogeyna baalasha taarikheed mid ka mid ah Halyeyadii Isboorti oo Ummadda Soomaaliyeed u soo halgamay. Halyey waqti badan u soo huray horumarinta Isboortiga, Shaqsi waligii ku haminaayey in Isboortiga Soomaaliyeed la gaarsiiyo heerka ugu sareeya Himiladiisu waxay aheyd in Calanka Ummadda Soomaaliyeed laga dhex taago garoomadda Isboorti ee caalamiga ah.
Dr,Cali Cusman: Cayaaraha Fudud Somalia waa lama Illoobaan
Dr,Cali Cusman: Cayaaraha Fudud Somalia waa lama Illoobaan
ATLANTA: Waxaa magaalada Atlanta ee cariga Mareykanka lagu qabtay xafladd aad iyo aad u sareysay oo ay qabanqaabiyeen Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Atlanta, taa oo lagu casumay Halyeeyadii Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud oo markaan sameystay Guddiga la magacbaxay SOMALI RUNNERS COMMUNITY ORGANIZATION. waxaana xafladda Casuumaadda lagu sharfay Xubnaha Guddiga oo kala ahaa Mudane Cabdi Warsame Isaaq oo ah Gudoomiyaha Guddi,Mudane Cali Bay oo Director u ah Gudigaasi iyo Halyey Abukar Cadaani oo ka mid ah Xubnaha ugu muhimsan ee Guddigaasi.
Ciyaaraha Xagaaga Sweden ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI oo ka bilowday Magaalada Stockholm‏
Ciyaaraha Xagaaga Sweden ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI oo ka bilowday Magaalada Stockholm
Diyaariye:Axmed salah (Dinaash)
Stockholm-Sweden
Isniin, July 12, 2010(HOL): Waxaa galabta si rasmi ah uga bilowday Garoonka Spånga ee Magaalada Stockholm Tartanka Ciyaaraha Kubadda Cagta xagaaga ee uu sanad walba soo qaban-qaabiyo Ururka SEUKI.Furitaankii Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin Isboorti oo Soomaali ah iyo Mas’uuliyiin Siyaasadeed oo ka socday Dowladda Sweden iyo weliba Dadweyne aad u faro badan oo si weyn u soo camiray garoonkii ay Ciyaaraha ka bilowdeen.
Minnesota oo ku guulaysatay koobkii K/koleyga Toronto
Minnesota oo ku guulaysatay koobkii K/koleyga Toronto
Diyaariye: Shiikha
Kooxda kubadda koleyga ee Minnesota ayaa iyadu ku guulaysatay koobkii kubadda koleyga toddobaadka Soomaalida ee Toronto, ka dib markii cayaarteeda kama dambaysta ahayd (Final) ay si xarago badan uga adkaadeen kooxda Hillaac oo ka mid ahayd kooxihii ugu ciyaarta waaagsanaa tartanlkaasi. Waxaana kooxda Minnesota ay ku adkaadeen 64 dhibcood, halka kooxda Laewrence heights ay ka keensadeen 57 dhibcood.
Spain oo 1-0 uga adkaatay Holland kuna guulaysatay koobka adduunka 2010 ka.
Spain oo 1-0 uga adkaatay Holland kuna guulaysatay koobka adduunka 2010 ka.
Xulka kubadda cagta ee dalka Spain ayaa caawa markii ugu horeysay ku guulaystay koobka kubadda cagta adduunka ka dib markii ay cayaartii kama dambaysta ahayd ee koobka adduunka 2010 ka 1-0 uga adkaadeen xulka dalka Holland, gookaasoo uu daqiiqadii 116 aad u dhaliyey xiddigooda Inniesta.
Xarun Jirdhis,isla markaana leh garoomo loogu tala galay qaybaha sport-ga oo laga furay deegaanka Ceelasha Biyaha

Waxaa Albaabada loo Furay Xarun cusub oo GYM laguna magacaabo Banaadir Fitnes Center,taasoo laga hirgaliyey deegaanka Ceelasha Biyaha ee Sh/hoose oo ah halka ugu badan oo ay ku suganyahiin barakacayaasha ugu badan ee ka soo qaxay Muqdisho.
Ciyaarihii Toddobaadka soomaalida Minnesota oo la soo gabagabeeyay
Ciyaarihii Toddobaadka soomaalida Minnesota oo la soo gabagabeeyay
Diyaariye:Shiikha

Tartamadii ciyaareed ee kubadda cagta iyo Koleyga ayaa maalinimadii ay ku beegnayd dabaaldaggii 4th july 2010 lagu soo gabagabeeyay garoonka kubadda cagta ee James griffin Stadium, iyada oo ciyaartii kama dambaysta ahayd ay foodda is dareen labada kooxood ee kala ahaa Boston, Maine iyo Iftin seattle Wa.
DIYAARGAROWGA CAYAARAHA KUBADA KOLEYGA EE STOCKHOLM
DIYAARGAROWGA CAYAARAHA KUBADA KOLEYGA EE STOCKHOLM
Magaalada Stockholm ee wadanka Sweden waxaan lagu qabanayaa tartan kubadda koleyga ah,tartankaasi oo bilaabanaya 17ka bishan julay ee 2010ka,kaasoo soconaya mudo shan casho ah.Tartankaasi waxaa ka soo qeybgalaaya kooxo ka imaanaya wadamada ingiriiska iyo Mareykanka.
Dr,Cali Cusmaan: Waa Xus maalmo qadarin mudan
Dr,Cali Cusmaan: Waa Xus maalmo qadarin Mudan.
ATLANTA: Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ayaa waxa uu abaabulay xaflad aad u qiimo badan oo kulmisa maalmo Ummadda Soomaaliyeed iyo addunkaba qiimo ku leh,taarikhaaso oo kala ah Juun 23 maalinta Olympigadda Addunka, 26 Juun maalintii ugu horeysay ee la saaro Calan Soomaaliyeed, 27 Juun oo ah maalinti ay xornimadda qaadatay walaalaheen Jabuuti, 1da Luulyo isu tagii labadii Gobol ee Koonfur iyo Waqooyi iyo 4 July oo ah Maalintii ay xornimadda qaateen Dawladda aanu saaxiibka nahay ee Mareykanka.
Cedar Stars oo legaday Midnimo
Cedar Stars oo legaday Midnimo
Diyaariye:Shiikha
Iyada oo lagu jiro wareegyadii ugu dambeeyay ee cayaaraha toddobaadka Soomaalida ee Minnesota,ayaa maanta waxaa ciyaar aad loo jeclaystay oo ahayd Quarter-final isaga hor yimid kooxaha Cedar Stars iyo Midnimo oo ka mid ah kooxaha ugu itaalka roon, uguna ciyaarta wanaagsan ee ka dhisan gobolka Minnesota.

































.jpg)








































.jpg)


.jpg)

.jpg)





.jpg)
