August 16 2017 14:36:41
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Ohio Tournment 2014
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
Soomaalida Gobolka Tennessee Oo Guddi Sporti Dhistay +SAWIRRO

Dalka Mareykanka ayaa waxaa looga dabaaldegay maalinta shaqaalaha  taa oo lagu xurmeynaayo shaqaala weynaha dalkaani oo runtii ka mid ah kuwa ugu shaqada badan dadyowga ku nool addunkani, waxaana maalmahaasi la fasaxaa dhamaan inta shaqada ku mashquulsan si ay ugu naaloodaan fasaxaasi oo runta laga dareemaayo dhamaan goboladda uu ka kooban yahay dalkaan USA.

Guddiga Isboortiga ee Tennessee ayaa waxa ay qabanqaabiyeen tartamo isboorti oo lagu weyneynaayo maalintaasi,waxayna casuumad u fidiyeen Guddiga Isboortiga ee Atlanta iyo Ciyaartoy ka socota Magaaladda Atlanta oo isugu jira dhalinyaro da’ddodu u dhaxeyso 8sano-12sano iyo kuwa ay da’doodu ka weyn tahay 14sano,.kuwaa oo ciyaaro xiiso badan ay ku dhexmartay Ciyaartoyda ka socotay Gobolka Tennessee oo ay isku fil yihiin,waxaana daawashadda Ciyaartaasi ka soo qeyb galay dhamaan dadweynaha ku nool Magaalo madaxda Gobolka Tenneesee oo jilbeysan,waxaana halka soo buux dhaafiyey taageerayaasha Kooxdii Tennessee oo runtii halkaa ka muujiyey shucuur isboortinimo iyagoo dhiirigelin uu muujiyey kooxahooda madaama ay soo geliyeen waqti badan oo Tababar ah,waxaana koobabkii lagu loolamayey kuwada guuleystay Ciyaartoydii ka socotay Tenneessee.

Waxaana habeenkii halka lagu qabtay xaflad lagu bixinaayey Koobabkii,waxaana Xafladaasi goob joog ka ahaa Halyeeyo taariikh fog ku leh Isboortiga Soomaaliyeed qeybahiisa kala duwan kuwa oo kala ahaa Mudane Maxamed Xasan Qolof,Dr. Cali Cusmaan Cali, Cabdulqaadir Xasan Cadde(Caydiid Jeenyo),Cabdikariiim Cali Aar(Mataan) iyo dhalinyaro ay hiwaayadoodu tahay Isboortiga, waxaana halkaa la isku dhaafsaday khudbado kala duwan oo dhamaantood diiradda saaraayey horumarinta isboortiga oo ay gaareen dhalinyaradaan reer Nashvile,taa oo dadkii oo dhan ay u khushuuceen, waxaana lagu bogaadiyey in ay labalaabaan dadaalka lagu hormarinaayo Isboortiga si dhaalanka soo koraayo looga badbaadiyo waxyaabaha mustaqbilkoosa wax u dhimayo,isla markaana ka qeyb qaadanaayo caafimaadkooda iyo baarbaarintooda.

Waxa ugu dambeyntii halkaa looga dhawaaqay Guddiga Isboortiga ee Tennessee kuwaa oo kala ah.


1)Cabdicasiis Axmed Mahdi…………………………………….Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga iyo Horumarinta Farsamadda.
2)Ismaaciil Yuusuf(Ciilow)……………………………………Gud Kuxigeenka 1aad
3)Faysal Cali………………………………………………………….Gud Ku xigeenka 2aad /Qasnajiga.
4)Jaamac Aaden(Heneri)…………………………………………Xogyahaha guddiga
5)Hanad Noor…………………………………………………………Xubin
6)Axmed Absughe…………………………………………………..Xubin
7)Cabdifatax Sahal………………………………………………….Xubin
8)Cabdishakuur Cumar…………………………………………….Xubin
9)Karaama Zein………………………………………………………Xubin.

Waxa khadka Teleefoonka wareysi meelo taabanaayo lala yeeshay Mudane Cabdicasiis Axmed Mahdi oo Gudoomiyaha Guddiga Isboortiga ee Tenneesse isla markaana madaxa horumarinta Farsamadda waxaana la yeeshay Wariye ZACIIMKA oo ka socday Raadiyaha Ciyaaraha fm isagoo weydiiyey sida ay ugu suurtowday in ay dhaqsi ku gaaraan guushaan baaxadda leh isla markaana loo unko Guddi arrintaa u xilsaaran…..

Waxaana uu Gudoomiye Cabdicasiis uu sheegay in Guul aysan aheyn arrin si dhib yar loo gaari karo,waxay u baahantahay shaqo adag, waxay u baahan tahay adkeysi xambaarsan dulqaad,dadaal dhan kastaba leh,waa in daraasad cilmiyeysan la sameeyaa.waxa kaloo aan laga maarmeynin in waqti loo huro iyo in aad ixtiraam iyo jaceyl aad u haysaa waxa aad qabaneyso.

C/Casiis Mahdi ayaa sidoo kale sheegey in Arrimahaasi oo dhan ay  fududeeyeen dhalinyaradda Guddiga oo si mutadawacnimo ah guntiga dhiisha isaga dhigay,iyagoo runtii hadafkooddu ahaa in loo hiiliyo dhalaanka Gobolkeyna ku nool,lagana weeciyo dariiqooyinka wax yeelayn kara mustaqbalkooda

Ugu danbeysti ,waxaa uu u Mahadceliyay Guddiga oo runtii hirgelinta hawlahaan waqti badan geliyey,waxaana rajeyneynaa in aan halkaa ka si wadno madaama gudigeyna ay yihiin dhalinyaro firfircoon oo dabooli kara baahida ay bulshada qabaan.

ugu dambeyntii waxaan halkaan mahadcelin u soo jeedinayaa dhamaan Jaaliyadda Magaaladda Nashvile oo garab iyo gaashaanba u ah hawlaha aan bulshadda u hayno,waxaana si gaar ah ugu mahadcelinayaa Halyeeyadda kala ah QOLOF,CALI CUSMAAN,CAYDIID oo runtii nagu garab istaagay fulinta hawshaan.

Ugu Dambeyntii waxa halkaa lagu daawaday MATAAN SHOW oo runti majaajilo aad u xiiso badan halkaa ku soo bandhigay.



Xigasho:www. DHALIYAHA.COM

 


 

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ashland Reunion 2014
AtlantaTournment2014
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
RotterdamiyokoobkaHirda 2011
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Hussein Abaaba
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Sharmaarke Muuse
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.03 seconds 2,679,747 unique visits