October 20 2018 22:33:26
SOMALIA Flag
Navigation
· Home
· Articles
· Downloads
· FAQ
· Discussion Forum
· Web Links
· News Categories
· Contact Me
· Photo Gallery
· Search
Ohio Tournment 2014
Atlanta Tournment 2012
Sayec celebration and Recognition
Washington DC Tournment 2012
Midnimo Champions 2012
Ohio Soccer Tournment 2012
Baroordiiqdii Caalamka
TartankaDhallintaCuslaatayeeFinland2012
xafladdii Maxamed Tuke
Ragsved Champions
Dhallinta Cuslaatay ee UK
Sweden Basketball Tournment 2010
Ashland 2010
RamadanCup-MN 2009
Somali Week 2009
Ashland 2008
Ashland 2009
Sydom Basketball 2008
Somali Week 2008
Sydom Tournment 2005
Coach Idiris
Coach Maxamuud
Coach Shiikha
Deeqo Cawil
Gani X.Nuur
Yaasiin Jama
Abdul
Ahmed Eman
Said Aamaan
Asad Dheere
Hussein Osman
Cabdi Dige
Mohamed Barre
Samater Hassan
Yaasir Abdirizak
Issa Yuusuf
Awale A/rahman
Mucaawiye Cumar
Warsame
Mahamed Farah
Shirwac A/rahman
Sadik Hussein
Zakaria Haji
Ismail A/rizak
Ahmed Yare
Awil Guled
Abdalla
Kamaal Hassan
Abdirahman Yare
Idiris Ali
JAALIYADDA ATLANTA OO ABAABUSHAY QALINJIBINTA KU DHOWAAD BOQOL-ARDAY SOOMAAALIYEED +(SAWIRRO)

Jaaliyadda Soomaali-American Center ee Magaaladda Atlanta ayaa si heer sare ah u abaabushay Xaflad qalin jabin ah oo lagu qabtay Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka, xafladaas oo ka soo qeyb galkeeda aan loo kala harin,waxaana ka soo qeyb galay Odayaasha reer Atlanta,Hooyooyinka,Dhalinyaradda,Ganacsatada iyo qaar ka tirsan Jaaliyadaha kale ee ku nool Magaaladda Atlanta.

sidoo kale isu imaatankaas qiimaha lahaa lagu xusay 58 guuradii ka soo wareegatay xornimaddi Goboladda Koonfureed iyo midnimadii Goboladda Waqooyi Galbeed iyo Koonfur,waxaana Taarikh guud mar ah lagu sameeyey halgankii ay soo galeen Halyeeyadii Soomaaliyeed ee ka dhidhiyey Gumeysiga isla markaana naftooda u huray in ay Ummadda Soomaaliyeed ka qaadaan heeryadii gumeysiga,waxaa kaloo in la xuso mudan in xubnaha Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ay halkaa ka qaadeen heesahii gobanimadoonka oo runtii qiiro galiyey Ummaddi xafladda ka soo qeyb gashay.

Waxa ugu horeentii halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-America Center Mudane Inj. Cumar Shekhey isagoo marka hore hambalyo kala dul dhacay dhaliyaradda qalin jabineysay isagoo ku amaanay juhdigii dheeraa ay soo galeen kaa oo maanta miraheedii la guranaayo,waxa kaloo Gudoomiyaha amaan taa la mid ah u gudbiyey waalidiintii u dhabar adeegay baarbaarinta caruurtooda oo ay maanta kala qeyb galayaan farxadaan,isagoo hadalkiisa sii wata Mudane Inj. Cumarow ayaa uu sheegay in dabaldagaan oo kale la soo bilaabay muddo hadda laga joogo 17 sano isla markaana uu cadeeyey in aan la joojin madaama ay tahay arrin taabaneysa quluubta caruurteyna isla markaana dhiirigelin u noqoneysa kuwa weli waxbarashadda ku jira.

Mudane Cumarow waxa uu warbixin gaaban ka bixiyey hawlaha Jaaliyadda Somali-American Center ay qabatay kuwa oo isugu jira Hawlaha Socdaalka(Immigaration),soo dhicinta lacagaha ay xaqa u leyihiin ee hawgabka(SSI)Caafimaadka iyo ugu dambeyntii la talinta ardayda Jaamacadaha ay galayaan, "Xaqiiqdii maanta waa in lagu farxo Maadaama ardaydeena ay ku guuleysteen jaamacadaha kala ah YALE,PRINCETON UNIVERSATY,EMORY,GA STATE,ACNA SCOTT IYO UNIVERSATY OF GEORGIA" ayuu yiri isagoo ugu dambeyntii u mahadceliyey dadkii suurta geliyey in lagu guuleystay qabsoomida xafladaa oo ay ugu horeeyaan GLITTER OF HOPE FOUNDATION, JAALIYADDA ATLANTA DHAMAANTOOD,XUBNAHA SOMALI-AMERICAN CENTER,DR. GARCIA,CABDI ISAQ,GUDDIGA ISBOORTIGA EE ATLANTA, MASAAJID-YADA ATLANTA,DAHABSHIIL,MABRUUK CORPORATION,GANACSADE MAXAMED SUUFI ABASHEIKH IYO AGAASIMAHA SAGAL RADIO MUDANE XUSEEN XASAN.

Waxa kaloo halkaa khubad loo wada khushuucay ka jeediyey Mudane Ancaam Mohamed oo ka mid ah madaxa sare GRITT HOPE FOUNDATION oo ugu horeyntii hambalyo kal iyo laab ah u jeediyey ardaydii qalin jabisay uuna sheegay ay maanta soo dhameysteen qeyb muhim u ah noloshooda lagana doonaayo in ay u diyaar garoobaan qeyb kale oo aad iyo aad sameyn ugu yeelan doonto mustaqbalkooda iyo kan waalidkii soo barbaariyey,waxaana Mudane Ancaam si aan leexleexasho laheyn u siiyey dardaaran ku saabsan in aan la ilooben Dhaqanka qiimaha leh oo ay ku barbaareen,in ay ka tagin diintooda muqadaska ah,sidoo kale in aysan iloobin halkii ay ka yimideen iyo ugu dambeyntii in ay ku xirnaadaan Jaaliyadda Somali-America Center oo runtii shaqo weyn haysa,waxaana Mudane Ancaam halkaa ku kasbaday sacab aan kala go' laheyn.

Waxaa sidoo kale xafladaasi ka hadlay Mudane Cabdinasir Warsame oo xubin ka ah Jaaliyadda Somali-American Center isla markaana ka mid ah aqonyahanadda lagu ixtiraamo aqoonta diinta Islaamka isago si qoto dheer leh uga sheekeeyey diinta Islaamka waxa ay ka qabto aqoonta ,waxaana uu sheegay in suuradii ugu horeysay ee uu eebe soo dejiyey ay aheyd IQRA oo micnaheedu yahay aqri taa oo Ilaaheygii weynaa adoomadiisa dareensiinaayey ahmiyadda ay leedahay waxbarashadda,waxaana uu ugu dambeyntii Mudane Cabdinasir ku booriyey dhalinta qalin jabisay in ay ku dadaalaan in ay hormariyaan waxbarshada oo addunyo iyo akhriraba anfaceysaa.

Waxaana ugu danbeystii xafladii ay ku soo dhamaatay farxad iyo reyn-reyn,waxayna xafladaasi ka mid aheyd inta la xususto mid ka qeyb galkeedii uu ahaa mid loo wada dhan yahay,waxaana ugu dambeyntii waalidiinti iyo caruurtoodiiba ay halka ay isku hambalyeyeen iyagoo ay wajiyayadoodii ka muuqatay shucuur farxadeed oo aad u sareysa...Waxaana leenahay GUUL.......GUUL........GUUL...

 

USA Flag
Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Ashland Reunion 2014
AtlantaTournment2014
Run To Unite(Minnesota 2012
Seuki Soccer Tournment 2012
Sydom Basketball Tournment 2012
London Futsal Tournment U16
Somali week Diaspora
Seuki Football tournment 2010- Stockholm-Sweden-
Fiuk Champions
Kulankii Isboortiga Utange
RotterdamiyokoobkaHirda 2011
Eurosom Tournment 2010
SomaliWeek MN 2010
Cayaarihii Xagaaga ee Columbus-Ohio
Soccer Fall League 2009
Atlanta Tournment 2009
Koobkii K/Cagta Dhallinta Cuslaatay ee Minnesota
Booqashadii Macallin Tuke ee Minnesota
Koobabkii MSSU & MYB
Ciyaarihii Qurbajoogta -Jabuuti 2009
Ashland 2007
Somali Week 2007
Sydom Basketball 2007
Minnesota Basketball Team
Ashland 2006
Somali Week 2007
Coach Ahmed Dahir
Coach Madaxey
Hussein Abaaba
Mohamed Dheere
Yonis Xaaji Saciid
Catoosh
Xaawo Hiiraan
Nimco Kenyati
Abdihakim
Fartuun Cali Dheere
Abdihakin AU
Hamza Osman
Ahmed Nuur
Faisal Dheere
Khaalid
Sharmaarke Muuse
Nuuraddiin
Sadik Haji
Ali Hassan
Badal Askar
Sharmaarke
Bahnan Abdi
Saabir Haji
Mohamed Omar
Mahamed
Liban
Mohamed Yusuf
Mahad Haji
Haashim
Salmaan
Mohamed Ali
Zakaria Mohamed
Render time: 0.01 seconds 3,009,318 unique visits